>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 244

12:70 70.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey rarkii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo.

12:71 71. Intay ku soo jeesadeen bay waxay yidhaahdeen:waa maxay waxaad weydeen.

12:72 72. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii [21] wax lagu beegayey ee boqorka, kii keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); anigaana ka damiin ah.

12:73 73. Waxay yidhaahdeen: Tallaahiye! Waad og tihiin inaannu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, mana ahin tuugo.

12:74 74. Waxay yidhaahdeen: Waa maxay jazaha arrinkani [22], haddaad been sheegeysaan?

12:75 75. Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani [23] waa in kii rarkiisa laga dhex helo loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaasaan ku jaazaynaa daalimiinta (denbiilayaasha).

12:76 76. Wuxuuna ka billaabay (fatashiddii) weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaasaan wax ugu tabeynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Alle doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin ciddaan doonno, waxaana ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah).

12:77 77. Waxay yidhaahdeen: Hadduu wax xaday, mid la walaal ah (Yuusuf) baa wax xaday waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay [24], umana muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa ka shar badan. Alle dhab u Ogsoon waxaad sheegeysaan.

12:78 78. Waxay yidhaahdeen: Mudanow [25]! Wuxuu leeyahay aabbe, oday weyn ah, ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha.