Cabdullaahi Xasan Yacquub — 243
12:64 64. (Yacquub) wuxuu yidhi: Miyaan idinku aamini karaa waxaan ahayn sidaan idiinku aaminay walaalki (Yuusuf) awal hore. Alle baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye ahaan, Isagaana u Naxariis Badan inta naxariisata.
12:65 65. Markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay [19]. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keeni haruur (hor leh) reerkayaga waana ilaalin walaalkayo oo soo kororsan rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan [20].
12:66 66. Wuxuu (Yacquub) yidhi: Idinla diri maayo jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Alle, inaad dib iigu keeneysaan, in (col) idin hareereeyo maahee, markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Alle baa marag ka ah waxaanu leennahay.
12:67 67. Wuxuuna yidhi: Maandhooyinow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Alle. Xukunka waxaa iska leh Alle Keliya. Isagaan tala saartay, ee Isaga uun ha tala saarteen oo ha isku halleeyeen kuwa wax tala saarta.
12:68 68. Markay u galeen (magaalada) siduu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Alle, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Wuxuuna lahaa cilmi, waxa aanu barnay ah, dadka badankiisuse ma oga.
12:69 69. Markay u galeen Yuusuf, wuxuu u soo dhoweeyey xaggiisa walaalki oo ku yidhi: Anigu waxaan ahay walaalkaa, ee ha ka xumaan waxay falayeen.