Cabdullaahi Xasan Yacquub — 240
12:38 38. Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Alle noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan 'Alle'.
12:39 39. Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka, Maquuniya (daalimiinta iyo islaweynayaasha).
12:40 40. Ma caabuddaan Alle Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah [11]. Xukunka ma leh cidaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.
12:41 41. Labadayda Saaxiib ee xabsigow [12]! Ma Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, ma kan kale, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa la xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen."
12:42 42. Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: "Igu xus mudanahaaga agtiisa"; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood.
12:43 43. Boqorkii wuxuu yidhi: "Waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka."