Cabdullaahi Xasan Yacquub — 24
2:154 154. Ha ka odhannina kuwa lagu dilo jidka Alle waa meyd; mayee way nool yihiin, waydaanse dareemeyn.
2:155 155. Waxaan idinku imtixaani wax xoogay cabsi ah iyo gaajo iyo nusqaamin maalka iyo nafaha iyo midhaha, ee u bishaaree kuwa samra.
2:156 156. Kuwa markay ku dhacdo musiibo, yidhaahda: Alle baa na leh [31] oo Xaggiisaana u noqon.
2:157 157. Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda ahaatay barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan.
2:158 158. Dhabtii Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood [32], qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
2:159 159. Hubaal kuwa qariya [33] waxaan soo dejinnay oo Aayado cad ah iyo hanuun, kaddib markaanu ugu caddeynay dadka Kitaabka, kuwaa weeye kuwa uu Alle nacladi, oo kuwaa wax naclada (malaa'igta, iyo mu'miniinta) ay nacladi doonaan.
2:160 160. Kuwa tawbad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwaa weeye kuwa aan ka tawbad aqbali. Waxaana ahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
2:161 161. Dhabtii kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwaa weeye kuwa ay korkooda ahaatay Nacaladda Alle, iyo malaa’igta, iyo dadka oo dhan.
2:162 162. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, mana la siiinayo nafis.
2:163 163. IIaahiinnu waa Ilaah keliya (Allaah), ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan.