Cabdullaahi Xasan Yacquub — 236
12:5 5. (Yacquub) wuxuu yidhi: Maandhow! Ha uga qisoon riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow cad.
12:6 6. Sidaasuu kuu dooran Rabbigaa oo kuu bari fasirka 'riyooyinka iyo' dhacdooyinka, kuuna dhammeystiri Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquubba, siduu ugu dhammeystiray horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah (odhaah iyo fal san).
12:7 7. Xaqiiq Yuusuf iyo walaalihi, waxaa ugu sugan calaamooyin (waano) kuwa weydiin.
12:8 8. Markay yidhaahdeen: Yuusuf iyo walaalki [3] buu naga jecel yahay aabbaheen innagoo koox ah (toban rag ah). Hubaal aabbaheen wuu gefsan yahay.
12:9 9. Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga aabbahiin, oo taasi ka dambow aad ahaataan dad wanaagsan.
12:10 10. Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaateen qaar safar ahe, haddaad wax falaysaan.
12:11 11. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaad noogu aamini la'dahay Yusuuf? Innagoo daacad u ah, wanaag la jecel.
12:12 12. Nala dir berri si uu u miro cuno oo u cayaaro, innagaana ilaalin oo gaar ka heyn.
12:13 13. (Yacquub) wuxuu yidhi: "Waxaa i walbahaarin inaad la tagtaan, waxaana ka cabsan inay yey cunto idinkoo mooggan".
12:14 14. Waxay yidhaahdeen: 'Hadday yey cunto innagoo waliba koox ah, markaa hubaal, waa inaanu nahay kuwo khasaaray".