>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 235

11:118 118. Hadduu doono Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan.

11:119 119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna Alle u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: "Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya)".

11:120 120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta.

11:121 121. Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa.

11:122 122. Oo suga (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa.

11:123 123. Alle baa iska leh waxa aan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaa ma aha mid moog waxaad falaysaan.

12:1 1. Alif Laam Raa [1]. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) cad.

12:2 2. Annaga (Alle ah) baa xaqiiq soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan [2].

12:3 3. Annaga ayaa kaaga qisoon qisooyinka midda u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo ka hor, aad ka mid aheyd kuwaan u war heyn.

12:4 4. Markuu Yuusuf ku yidhi aabbihii: "Aabbow! Waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan.