Cabdullaahi Xasan Yacquub — 230
11:72 72. Waxay tidhi: Waa la yaabe! Miyaan dhali anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Arrinkani waa wax la yaab leh.
11:73 73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.
11:74 74. Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo u timid bishaaradu, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qolodii Luud.
11:75 75. Hubaal Ibraahiim waa dulbadane, qalbi jilicsan [21], tawbad keen badan.
11:76 76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn.
11:77 77. Markay Rusushayadii 'malaa'igta ahayd' u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray [22] wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.
11:78 78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun [23]. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii [24], iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
11:79 79. Waxay yidhaahdeen: Waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdha- haaga, waadna og tahay waxaanu rabno.
11:80 80. Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh.
11:81 81. Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Waxnana kuma gaarsiin karaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, waxaa ku dhici, waxa ku dhici iyaga, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subaxu dhoweyn?