>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 23

2:146 146. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaaan (Nabi Muxammad ee ku yaal Kutubtooda) siday u gartaan wiilashooda oo kale. Koox ka mid ahna waxay qariyaan Xaqa (arrinka Qiblada, tilmaamaha Nabiga, iwm) iyagoo ogsoon.

2:147 147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabayaasha.

2:148 148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

2:149 149. Meel kastoo aad u baxdo (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga xagga Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada); oo hubaal waa Xaq kaaga yimid xagga Rabbigaa, Alle ma mooga waxaad fashaan.

2:150 150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.

2:151 151. Waliba sidaan u soo dirnay dhexdiinna Rasuul idinka mid ah oo idiin akhriya Aayadahayaga oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka iyo Xikmadda, oo idin bara wax aydaan horey u aqoon.

2:152 152. Ee i xusa aan idin Xusee [28], oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina [29].

2:153 153. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Kaalmaysta samirka iyo salaadda. Hubaal! Alle wuxuu la jiraa kuwa samirka badan.