>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 229

11:63 63. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, cilmi) Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah, yaa iiga gargaari (cadaabka) Alle, Haddaan ku caasiyo? Iimana kordhineysaan waxaan aheyn khasaaro.

11:64 64. Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad, ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow.

11:65 65. Wayse boqna gooyeen hashii 'oo gowraceen' [16], markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn.

11:66 66. Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah.

11:67 67. Qeylo weyn (qarax daran) baana qabtay [17] kuwii dulmiga 'shirkiga' falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda.

11:68 68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix).

11:69 69. Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah [18]. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam (nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan.

11:70 70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda [19]. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud.

11:71 71.Marwadiisuna (Saarah) waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay [20], waxaana ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub.