Cabdullaahi Xasan Yacquub — 228
11:54 54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.
11:55 55. Ee Isaga (Alle) ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, hana i siinnina wax fursad ah.
11:56 56. Anigu waxaan xaqiiq tala saartay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiinba, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan).
11:57 57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.
11:58 58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.
11:59 59. Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.
11:60 60. Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Ogaada, hubaal, Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud.
11:61 61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya [15], ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una tawbad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).
11:62 62.Waxay yidhaahdeen: Saalixoow!Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (ee ah Towxiidka Islaamka).