>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 226

11:38 38. Wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonnida, mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku jeesjeesayeen. Wuxuu yidhi: Haddaad nagu jees jeestaan, innaguna waa idinku jeesjeesi sidaad u jeesjeesaysaan.

11:39 39. Waadna ogaan doontaan cidduu u yimaado cadaab dulleeya, kuna dego cadaab joogto ah.

11:40 40. Jeer markuu Amarkayagii yimid [10] oo tinnaarkii biyo burqaday, Waxaanu nidhi: Ku qaad doonnida labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu Qowlka horey ugu maray 'in la halligayo' [11], iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey. mana ay la rumeyn (Xaqa) in yar ma’ahee.

11:41 41.(Nuux) wuxuu yidhi: Ku kora (doonnida) Magaca Alle, oo ay ku socon kuna joogsan. Hubaal, Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

11:42 42. Way la socotay (doonnidii) hirar dhexood buuro oo kale ah, wuxuuna Nuux u dhawaaqay wiilkiisii [12], wuxuuna joogay meel ka gaar ah: Maandhow! Nala soo kor doonnida, hana noqon la jirka gaalada.

11:43 43. Wuxuu yidhi: Waxaan magan gali buur iga dhawrta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi maanta Amarka Alle cid uu u Naxariisto maahee. Waxaana kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la harqiyey.

11:44 44. Waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad (jooji), biyihiina waa la gudhiyey, amarkii (Allena) hirgalay [13]. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi [14], waxaana la yidhi: Ha fogaadeen qoloda daalimiinta ah.

11:45 45. Wuxuuna Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, ballan qaadkaaguna waa Xaq, Waxaadna Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta.