Cabdullaahi Xasan Yacquub — 224
11:20 20. Kuwaa ma ku baxsan karaan arlada, umana sugnanan wax gargaarayaal ah Alle sokadi. Waxaa loo labolaabi Cadaabka. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
11:21 21. Kuwaa weeye kuwa khasaari nafahaoo- da, waxayna waayi waxay been abuurteen.
11:22 22. Shaki ma leh, Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan.
11:23 23. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood - waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari weligood.
11:24 24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan waantoobeyn?
11:25 25. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): Waxaan idiin ahay dige cad.
11:26 26. Inaydaan caabudin waxaan ahayn Alle, waxaan idiinka cabsan cadaab Maalin xanuun badan (Maalinta Aakhiro).
11:27 27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah, mana aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay diinta) ka fiirsi la’aan. Idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, waxaanse idiin malaynaynaa beenalayaal.
11:28 28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama, haddaan ka haysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, iyo cilmi) xagga Rabbigay, i siiyeyna Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah oo la idinka indho tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan hanuunka) idinkoo naceyb u haya?.