>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 223

11:13 13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.

11:14 14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle [7] iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.

11:15 15. Qofkii raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimeyn.

11:16 16. Kuwaa weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; waxaana buri waxay ku faleen dunida camallo san, waxbana kama jiraan waxay falayeen.

11:17 17. Ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, uu akhriyo markhaati Xaggiisa ah [8], hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis (baa la mid ah mid adduun uun dooni); Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray (Qur’aanka). Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. Hubaal waa Xaq ka yimid Rabbigaa, intooda badanse dadku ma rumeysna.

11:18 18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna [9] waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.

11:19 19. Kuwa ka weecsha (dadka) Jidka Alle lana dooni qallooc, Aakhirana rumeysneyn.