Cabdullaahi Xasan Yacquub — 222
11:6 6. Ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Alle irsaaqaddiisu saarnayn. Wuxuu Og yahay rugtiisa hoyaadka u ah [4] iyo halka uu ku kaydsan yahay. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).
11:7 7. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood [5], si uu idiin imtixaamo kiinna idiinku camal wanaagsan. Haddaad tidhaahdo: Waa la idin soo bixin dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa gaalooba odhan: "Kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah".
11:8 8. Haddaan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay odhan: Maxaa haysta oo celinaya? Maalinka uu u iman cadaabku, ma aha wax laga weecin, waxaana ku dhici waxay ku jees jeesayeen.
11:9 9. Haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusta, xaq diiddo iyo abaal dhac badan.
11:10 10. Haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib dhib taabtay, wuxuu odhan: Way i dhaafeen dhibaatooyinkii, wuxuu noqdaa mid farxa faan badan.
11:11 11. Kuwa samra mooyee oo samaha fala, kuwaas waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno).
11:12 12. Waa intaasoo aad ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo [6], oo ay ku cidhiidhi noqoto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Alle baana wax walba xafida oo Wakiil ah.