Cabdullaahi Xasan Yacquub — 221
10:107 107. Hadduu Alle ku taabsiiyo waxyeello, ma jirto cid kaa feydi kartaa aan Isaga ahayn; hadduu kula doono khayrna ma jirto cid celin karta Deeqdiisa uu siiyo midkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
10:108 108. Dheh: Dadow! Waxaa idiinka yimid Xaq xagga Rabbigiin. Ee qofkii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa naftiisa, qofkii lumaana, waxay u daran tahay oo u lumaa naftiisa, anigana layma saarin inaan idinka noqdo wakiil.
10:109 109. Ee raac waxa (Qur’aanka) laguu waxyoodo (Nabiyow) samirna inta Alle ka kala xukumin (dadka). Isagaana u wanaagsan inta garsoorta.
11:1 1. Alif Laam Raa [1]. (Kani waa) Kitaab (Qur’aan), Aayadihiisa la sugay, lagana soo caddeeyey [2] Xagga Xigmad Badane, Xog Ogaal ah (waa Alle'e).
11:2 2. Inaydaan caabudin waxaan Alle ahayn. Anigu waxaan idiin ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.
11:3 3. Oo weydiista denbi dhaaf Rabbigiin, una tawbad keena, wuxuu idin siin sahay wanaagsan ilaa muddo magacaaban, kuna galladeysan Deeqdiisa mid kastoo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad (ka) jeesataan (Iimaanka iyo camalka san), waxaan anigu idiinka cabsan cadaab Maalin Weyn (Qiyaamada).
11:4 4. Waa xagga Alle meel noqodkiinna, Isagaana wax walba Kara.
11:5 5. Ogaada, hubaal, waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan [3] (cadaawadooda) Xaggiisa. Markayse isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxay qarsadaan iyo waxay muujiyaanba, Hubaal (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).