Cabdullaahi Xasan Yacquub — 220
10:98 98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.
10:99 99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin.
10:100 100. Nafna ma rumeyso Idanka Alle la'aantii, Wuxuuna Alle yeelaa qurunka [25] kuwaa dushooda aan (Xaqa) garowsan.
10:101 101. Dheh: Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu cid aan rumeyneyn.
10:102 102. Ma waxay sugayaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood (ee Xaqa beeniyey)? Dheh: Suga (Ciqaabka Alle), aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta sugiye.
10:103 103. Markaasaan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta.
10:104 104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi [26]. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.
10:105 105. Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta (Islaamka) adigoo toosan, hana ka mid noqonin mushrikiinta.
10:106 106. Ha baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.