>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 219

10:89 89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay [22]. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.

10:90 90. Waxaan ka gudbinnay Ilmahii Israa’iil badda, markaasaa waxaa soo raacdeystey Fircoon iyo ciidamadiisa gardarro (dulmi) iyo cadaawad darteed; markuuse haraqu haleelay, wuxuu (Fircoon) yidhi: Waxaan rumeeyey inuusan jirin ilaah (xaq ah) aan aheyn kay rumeeyeen Ilamahii Israa’iil, aniguna waxaan ka mid ahay Muslimiinta.

10:91 91. Ma imminka! adigoo hore u caasiyey, oo ka mid ahayd Mufsidiinta.

10:92 92. Maanta Waxaanu badbaaadin jirkaaga [23] si aad ugu noqoto calaamo kuwa kaa dambeeya. Intooda badanse dadku Aayadahayaga way ka dhoohan yihiin.

10:93 93. Waxaana dejinnay Ilmahii Israa’iil degaan khayr oo ku irsaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu climigu u yimid; hubaal Rabbigaa wuu u kala garsoori dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafeen.

10:94 94. Haddaad ka shakisan tahay (Nabiyow) waxaan kuu soo waxyoonnay [24], weydii kuwa akhriya Kitaabka (Towraadda) adiga hortaa. Waxaa kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.

10:95 95. Ha ka mid noqon kuwa beeniya Aayadaha Alle, waayo markaas waxaad ka mid ahaaneysaa kuwa khasaaray.

10:96 96. Kuwa ay ku rumowday Kelmadda Rabbigaa (ee cadaabka), ma rumaynayaan.

10:97 97. Xataa hadday calaamo kasta u timaaddo jeeray arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.