>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 218

10:79 79. Fiircoon wuxuu yidhi: Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer.

10:80 80. Markay sixiroolayaashii yimaadeen, Muuse wuxuu ku yidhi: Tuurta waxaad tuureysaan.

10:81 81. Markay tuureenna Muuse wuxuu ku yidhi: Waxaad la timaaddeen waa sixir, Alle baa burin. Hubaal Alle ma hagaajiyo camalka kuwa wax fasahaadsha.

10:82 82. Alle wuxuu ku sugi Xaqa Kelmedihiisa, haba nacaane denbiilayaashu.

10:83 83. Cidnase ma rumeyn Muuse aan ahayn durriyad ka mid ah qolodiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo xildhibaannadi inay caddibaan. Fircoon wuxuu ahaa mid isku sare yeela arlada, wuxuuna xaqiiq ka mid ahaa xadgudbayaasha.

10:84 84. Muuse wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Haddaad tihiin kuwo rumeysan Alle Isaga uun tala saarta, haddaad tihiin Muslimiin.

10:85 85. Markaasay yidhaahdeen: Alle baan isku halleynaa oo tala saarannay. Rabbigayow! Ha nagu salladin qoloda daalimiinta ah.

10:86 86. Noogana badbaadi Naxariistaada qoloda gaalada ah.

10:87 87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna [21] guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) oogana salaadda. U bishaaree mu’miniinta.

10:88 88. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigayow! Waxaad adigu ku siisey Fircoon iyo xildhibaannadi qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbigayow! Markaasay ka lumeen Jidkaaga (oo ku kibreen arlada). Rabbigayow! Baabbi'i maalkooda, oo adkee quluubtooda, si ayan u rumeyn jeer ay arkaan Cadaabka Xanuunka Badan.