>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 216

10:62 62. Ogaada, hubaal, awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan [16].

10:63 63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale).

10:64 64. Waxay leeyihiin bishaaro [17] nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddelaad ah Kelmadaha Alle (iyo baaqasho Ballankiisa). Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.

10:65 65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

10:66 66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.

10:67 67. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax maqli.

10:68 68. Waxay yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay ilmo [18], Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan). waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?

10:69 69. Dheh: Kuwa Alle ka been sheega ma liibaanaan.

10:70 70. Waa raaxo (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin cadaab daran, gaalnimadooda darteed.