Cabdullaahi Xasan Yacquub — 213
10:34 34.Dheh:Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan 'cibaadadiinna' oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Alle baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale, Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?
10:35 35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Alle baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?
10:36 36. Badankoodu ma raacaan waxaan ahayn malo; malahuna waxba kama taro Xaqa. Hubaal Alle wuu Og yahay waxay falaan.
10:37 37. Ma aha Qu’raankani [12] wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.
10:38 38. Mise waxay leeyihiin: Wuu been abuurtay (Qur’aanka)? Dheh: Keena Suurad la mid ah, oo u yeedha ciddaad kartaan Alle sokadi, haddaad run sheegaysaan.
10:39 39. Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobinba cilmigiisa, iyo wax uusan weli u imaan fasirkiisu. Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee eeg siday aheyd cidhibta daalimiinta (gar diidka).
10:40 40. Waxaa ka mid ah mid rumeysan (Qur’aankan), iyo midaan rumeysneyn, Rabbigaa wuu Og yahay kuwa waxa fasahaadsha.
10:41 41. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), Dheh: camalkayga anaa leh, camalkiinnana idinkaa iska leh. Waxaad idinku barii ka tihiin waxaan falo, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad fashaan.
10:42 42. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhageysta [13], ma adigaase wax maqalsiin kara dhagoolaha iyagoon wax fahmeyn?