Cabdullaahi Xasan Yacquub — 212
10:26 26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah [11] 'eegista Rabbi'. Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
10:27 27. Kuwase kasbada xumaha (shirkiga iyo macaasida), abaalka xume keliyihi waa mid la mid ah, dulli baana daboolaya (wejiyadooda). Ma helayaan wax Alle ka celiya. Waxaad moodi wajiyadooda in lagu daboolay goosanno habeen gudcur madow ah, waa Kuwaa ehlu Naarka, wayna ku dhex waari weligood.
10:28 28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen.
10:29 29.Alle baa ku filan markhaati dhexdeen- na innaga iyo idinkaba, in aanu innagu ahayn kuwo moog cibaadadiinna.
10:30 30. Halkaas, (Maalintaas) bay xaqiiqsan naf walbaa waxay hor marsatay (khayr ama shar), waxaana loo celiyaa Mudanahooda Xaqa ah, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuurteen.
10:31 31. Dheh: Waa kuma kan idinka arsaaqa samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo mayd ka soo saara noole? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka oo idil)? Markaasay odhan: Allaah. Dheh: Miyeydaan iska jireyn (xumaha)?
10:32 32. Kaa weeye Allaah, Rabbigiin runta ah; ee maxaa xaqa ka dambeeya aan habow aheyn? Ee sidee la idiinka jeediyey?
10:33 33. Sidaasay ugu rumowday Kelmadda Rabbigaa (Xukunkiisa iyo Qaddarkiisa) kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayneyn (Xaqa).