Cabdullaahi Xasan Yacquub — 211
10:21 21. Markaan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Alle baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta ah) waxay qoraan waxaad qooleysaan.
10:22 22. (Alle) waa Kan idinka yeela inaad martaan barriga iyo baddaba, jeer markaad ku jirtaan doonyaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran (gaalada) dabeyl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan ay u timaaddo dabeyl kacsan, oo uga yimaadaan mawjaduhu dhinac kasta oo ay yaqiinsadaan in la hareereeyay, waxay baryaan Alle iyagoo u keli yeelaya cibaadada, oo leh: "Haddaad naga badbaadiso tani, waxaan hubaal ka mid ahaan kuwa ku mahdiya".
10:23 23. Markase uu badbaadiyo, mise! Waxay isla markaa ku kibraan dhulka xaq darro. Dadow! Kibirka (iyo xadgudubkiinna) waxay u daran tahay nafahiinna, waa raaxo kooban oo nolosha adduunkan ah, kaddibna Xaggayaga baa la idiin soo celin, waxaana idiin sheegi waxaad falayseen.
10:24 24. Mataalka noloshan adduunku [9] waa sida biyo (roob) aan ka soo dejinno daruuraha, markaas dhirta dhulka oy dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ka soo baxaan si riyaaq leh iyagoo isku dheehan halkaa, ilaa markuu dhulku qaato bilicdiisa kaamilka [10] ah oo isqurxiyo oy dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayaga habeen ama maalin, markaas aan ka dhigno gabaahirig (wax la shafay) sidii isagoo aan jirinba shalay! Sidaasaan ugu faah-faahinnaa Aayadaha ciddii fikiri.
10:25 25. Alle wuxuu ku baaqaa Daarta Nabadda (Jannada) wuxuuna ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka).