Cabdullaahi Xasan Yacquub — 210
10:15 15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga xujooyin cad ahaan, kuwa aan rajeyn la Kulankayaga, waxay yidhaahdaan: Noo keen Qur’aan aan kan aheyn, ama beddel. Dheh (Nabi Muxammadow): Igama suurowdo inaan iskay u beddelo; Waxaan uun anigu raacaa waxa la ii waxyoodo. Waxaan ka cabsan haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin daran.
10:16 16. Dheh: Hadduu Alle doono, idiinma akhriyeen (Waxyigan) oo idinma ogeysii- yeen. Waxaan joogay dhexdiinna cimri kan ka hor [5]. Ee miyeydaan garowsaneyn?
10:17 17. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa, xaqiiq, denbiilayaasha ma liibaanaan.
10:18 18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti [6]. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka sugan samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.
10:19 19. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya (heysta diin keliya 'Islaamka' [7], markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa [8] waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.
10:20 20. Waxay yidhaahdeen: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Alle Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle).