>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 207

9:123 123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg. Ogaada inuu Alle la jiro dhowrsanayaasha.

9:124 124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan.

9:125 125. Kuwase quluubta ka buka [43], waxay u kordhisaa fadaro [44] 'ka badan' fadaradoodii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.

9:126 126. Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma tawbad keenaan (Alle), mana waansamaan.

9:127 127. Marka Suurad la soo dejiyo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin.

9:128 128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah 'waa Nabi Muxammad s.c.w', oo ay ku adag tahay waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.

9:129 129. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka iyo camalka san), dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn.