>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 206

9:118 118. (Sidoo kale Alle wuu cafiyey) seddexdii dib loo dhigay 'arrinkooda ee ka xumaaday khaladkoodii' [41], heer arladu ku ciriiryoontay waxay ballaar laheyd, nafahoodana sidoo kale ku ciriiryoomeen, waxayna hubeen in aanay jirin meel laga magan galaa Alle aan ahayn Xaggiisa. Markaasuu waafajiyey tawbad san, si ay u tawbad keenaan. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista badan.

9:119 119. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo ahaada la jirka kuwa runlowyada ah.

9:120 120. Kuma habboona reer Madiina iyo kuwa hareerahooda ah ee ka mid ah kuwa dega miyiga inay uga haraan gadaal Rasuulka Alle, iyo inay ka jecleystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad ama daal ama gaajo ku soo gaadha Jidka Alle [42], ama goob ay cagaha dhigaan oy ku cadho gashaan gaalada, iyo waxay gaarsiiyaanba cadowga (Islaamka) oo aan loogu qoreyn camal san. Hubaal Alle ma dayaco ajarka sama falayaasha.

9:121 121 Ma jiro wax yar ama weyn oo ay ku bixiyaan (jihaadka) ama tog ay ka tillaabaan oo aan loo qorayn ajar, si uu Alle ugu abaal mariyo si waafaqsan kan ugu fiicnaa camalladii ay falayeen.

9:122 122. Ma aha mu’miniinta inay u soo wada baxaan (duullaanka) dhammaantood mar keliya. Ee waa inay iska soo saaraan qayb walba oo iyaga ka mid ah koox (u hareysa) inay fahmaan diinta si ay ugu digaan (oo waaniyaan) dadkooda markay u soo laabtaan, si ay u digtoonaadaan.