>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 205

9:112 112. Kuwa tawbad keena, ee caabuda (Alle Keliya), ammaana ee mahdiya, sooma 'ama u baxa diin fidinta', ee rukuuca, ee sujuuda ee amra waxa san ee reeba waxa xun, ee dhowra soohdimaha Alle [38]. U bishaaree mu’miniinta.

9:113 113. Kuma (habboona) Nabiga iyo kuwa rumeeyey inay u denbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadaane, kaddib kolkay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar 'ku dhinteen gaalnimo' [39].

9:114 114. Ma ahayn u denbi dhaaf dalabkii Ibraahiim uu u denbi dhaaf dalbay aabbihiis waxaan ahayn ballan uu ka qaaday. Markiise ay u caddaatay inuu ahaa cadow Alle, barii buu ka noqday. Ibraahiim wuxuu ahaa kal same, dulqaad badan.

9:115 115. Ma aha Alle Mid lumiya qolo kaddib markuu hanuuniyey, wuxuuse u caddeeyaa waxay tahay inay iska jiraan [40]. Hubaal Alle waa Ogsoonaha wax walba.

9:116 116. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo aralda, Isagaa wax nooleeya oo dhinsiiya. Ma lihidin Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.

9:117 117. Wuxuu Alle ka tawbad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday waqtigii adkaa (ee dagaalkii Tabuuk), kaddib markii quluubta qaar ka mid ah ay ku sigteen inay weecdaan, markaasuu ka tawbad aqbalay. Hubaal Alle waa mid u Turid iyo Naxariis Badan (mu'miniinta).