>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 204

9:107 107. Kuwase dhistay masjid ay dhibaato ku geystaan iyo gaalnimo iyo si ay tafaraaruq u dhex dhigaan mu’miniinta iyo inuu u ahaado dhufays kan isagu horay ula dagaal galay [33] Alle iyo Rasuulkiisa, waxayna ku dhaaran ma aanu rabin waxaan ahayn wanaag. Alle wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenalayaal.

9:108 108. Ha isdhex taagin (oo ha ku tukan masjidkaa oo kale) waligaa. Masjid [34] aasaaskiisa lagu dhisay taqwo maalintii ugu horreysayba baa mudan inaad dhex joogsato (si aad ugu tukato). Waxaa jooga rag jecel inay isdaahiriyaan. Alle wuu jecel yahay kuwa is-daahiriya (iska daahiriya shirkiga, xumaha iyo najaasada).

9:109 109. Ma mid aasaas uga dhiga dhismihiisa cabsida Alle iyo Raalli gelintiisa baa khayr roon, mise mid ka dhiga aasaaska dhismihiisa qarka god dumaya dushiis, kulana dhici Naarta Jahannama. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

9:110 110. Dhismahii ay dhiseen kama suulayo marnaba inuu ahaado sabab keenta walaac ku jira quluubtooda [35] in maahee ay u kala go'go’aan quluubtooda qaybo [36]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

9:111 111. Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba inay leeyihiin Janno, waxay u dagaallamaan Jidka Alle [37], markaasay dilaan (xaq iyo nabad diidyada) iyagana loo dilaa (Xaqa iyo Nabadda ay fidiyaan). Waa ballan dushiisa ah oo xaq ah oo ku cad Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Yaa ka oofin og ballan uu qaaday Alle? ee ku farxa beeciinna ee aad heshiiska ku gasheen; arrinkaasi weeye Guusha Weyn.