>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 203

9:100 100. Kuwase u hormaray (Iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta [30] iyo Ansaarta [31] iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuu u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn.

9:101 101. Waxaa ka mid ah kuwaa hareerihiinna ah ee ka mid ah kuwa reer miyiga ah munaafiqiin, reer Madiinana ( sidoo kale) waxaa ka mid ah kuwo ku madax adag nifaaqa, adigu ma ogid, Annagaase og. Waxaanu cadaabi labo jeer (adduunka iyo qabrigaba), markaasaa loo celin xagga Cadaab daran (Aakhirada).

9:102 102.Kuwo kalena way qirteen denbiyadoo- da (ka haritaankooda jihaadka), waxay isku dareen camal wanaagsan (jihaad hore ay ka qayb galeen) iyo mid kale oo xun [32]. Waa intaasoo Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

9:103 103. Ka qaad (Nabi Muxammadow) maalkooda Sadaqo aad ku hufeyso oo ku daahirineyso, una ducee. Hubaal ducadaadu waa waxay ku xasilaan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

9:104 104. Miyeyna ogayn in Alle ka aqbalo tawbada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka iyo in Alle yahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.

9:105 105. Dheh: camal fasha; marka Alle wuu arki camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba. Waxaana dib la idiinku soo celin Xagga (Alle) Ogsoonaha waxaan muuqan iyo waxa muuqdaba, markaasuu idiin sheegi waxaad fasheen oo dhan.

9:106 106. Kuwo kale (oo ka haray jihaadka) waxaa dib loogu dhigay (arrinkooda) inay sugaan Amarka Alle, hadduu cadaabayo ama hadduu ka aqbalayo tawbada. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.