>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 20

2:127 127. (Xus) markuu Ibraahiim kor u qaadayey aasaaska Beytka (Kacbada) iyo Ismaaciil (iyagoo leh): Rabbigayow! Naga aqbal, hubaal Waxaad Adigu tahay Maqlaha wax kasta, wax kasta Ogsoon.

2:128 128. Rabbigayow! Naga yeel kuwo kuu hoggaansan (kana soo saar) ubadkayaga ummad kuu hoggaansan, nana tus hababkayaga cibaadeysiga, nagana tawbad aqbal. Hubaal Waxaad Adigu tahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.

2:129 129. Rabbigayow! U soo bixi Rasuul ka mid ah oo u akhriya Aayadahaaga, barana Kitaabka iyo Xikmadda oo daahiriya. Hubaal Waxaad Adigu tahay Adkaadaha, Xakiimka ah.

2:130 130. Yaa isaga taga diinta Ibraahiim (Islaamka), mid makas jaahil ah maahee? Waxaan hubaal ku doorannay (Ibraahiim) adduunkan, Aakhirana wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.

2:131 131. (Xus) markuu Rabbigii ku yidhi: Hoggaansan, (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaan u hoggaansamay (Allaah) Rabbiga uumanka.

2:132 132. Wuxuuna u dardaarmay isla arrinkaa Ibraahiim ilmahiisii, Yacquubna wuu u dardaarmay (wuxuu yidhi): Maandhooyinow! Alle wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.

2:133 133. Mise ma waxaad aheydeen goob joog markay geeridu u timid Yacquub? Markuu ku yidhi wiilashiisii: Maxaad caabudeysaan gadaashay? Waxay yidhaahdeen: Waxaan caabudeynaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo isxaaq, oo ilaah keliya ah, Isagaanu u hoggansannahay Muslimiin ahaan.

2:134 134. Taasi waa ummad tagtay: Waxay leedahay waxay kasbatay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Ma la idin weydiinayona inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.