>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 2

2:1 1. Alif laam miim [1].

2:2 2. Kitaabkaa (Qur’aanka), shaki kuma jiro, waa u hanuun dhowrsanayaasha [2].

2:3 3. Ee ah kuwa rumeysan Ghaybka [3], ooga salaadda, waxaan siinnayna wax ka bixiya.

2:4 4. Ee (ah) kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa [4], Aakhirona yaqiinsan.

2:5 5. Kuwaasaa ku sugan hanuun (toosan) xagga Rabbigood ah, waana kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.