Cabdullaahi Xasan Yacquub — 199
9:73 73. Nabiyow! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta (colka kula ah iyo dagaalka), kuna adadkow (oo yeyna kaa helin jileec), hoygooduna waa Jahannama - oo u xun meel la ahaado.
9:74 74. Waxay ku dhaaran Alle inaanay odhan (hadal gaalnimo ah), iyagoo yidhi erey gaalnimo ah, waxayna gaaloobeen kaddib markay islaameen (islaamnimo dusha ah), oyna goosteen waxay gaadhi kari waayeen [26], kumana ayan nicin (Islaamka) wax kale aan ahayn inay hodan ka noqdeen deeqda Alle iyo Rasuulkiisa. Hadday tawbad keenaan iyagay u roon tahay, haddayse jeesadaan, Alle wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, kumana leh dhulka sokeeye iyo gargaare midna.
9:75 75. Waxaa ka mid ah kuwo axdi la galay Alle [27]: (iyagoo yidhi) Hadduu wax naga siiyo Deeqdiisa, waxaanu bixin sadaqooyin, oo ka mid ahaan kuwa wanaagsan.
9:76 76. Markuu wax ka siiyey Deeqdiisa way ku bakhayleen, waxayna jeediyeen dhabarka oo durba siibteen.
9:77 77. Markaas buu ka yeelay munaafaqnimo inay gasho quluubtooda ilaa Maalinta ay la kulmayaan, ballankay kaga baxeen Alle iyo beenaha ay sheegayeen awgood.
9:78 78. Ma waysan ogayn inuu Alle Og yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Alle yahay kan dhab u Ogsoon waxa qarsoon aan muuqan (Ghaybka).
9:79 79. Kuwa ku ceebeeya kuwa daacadda ah ee ka mid ah mu’miniinta sadaqada ay dar Alle ula baxaan iyo kuwa aan heli karin inay baxshaan waxaan aheyn xoogsigooda oo ku jeesjeesa, Alle baa ku jees jeesi, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.