Cabdullaahi Xasan Yacquub — 197
9:62 62. Waxay idiinku dhaaran Alle si ay idiin raalli geliyaan, Allaah iyo sidoo kale Rasuulkiisa baase mudan inay raalli geliyaan hadday yihiin mu’miniin.
9:63 63. Miyaanay ogayn in qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa inuu mudan Naarta Jahannama uu ku dhex waarayo weligi. Kaasi weeye dufowga weyn.
9:64 64. Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagu soo dejiyo Suurad ugu sheegeysa si cad waxa ku jira quluubtooda. Dheh: Iska jees jeesa! Alle Wuu soo bixin waxaad ka digtoon tihiin oo ka baqdaan.
9:65 65. Haddaad weydiiso (sababta jeesjeeskooda) waxay odhan: Wax kale ma ahayne waanu iska kaftameynay, oo aan iska cayaaraynay. Waxaad tidhaahdaa: Ma Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeeseyseen?
9:66 66. Ha cudurdaarrannina; waad gaaloowdeen rumeyntiinnii kaddib. Haddaan cafinno koox idinka mid ah, Waxaan ciqaabi koox kale, maxaa yeelay waa denbiilayaal (ku adkeysta labo wajiilo).
9:67 67. Munaafiqiinta iyo munaafiqaadka way is leeyihiin, waxay amraan xumaanta oo reebaan samaanta, oo laabaan gacmahooda [23]. Waxay illoobeen Alle (macnaha inay camal san fashaan), markaasuu Isaguna iska illoobay (ku dac darreeyey Naarta oo uga tagey). Munaafi- qiintu waa iyaga kuwa fallaagada ah.
9:68 68. Alle wuxuu u ballan qaaday munaafiqiinta iyo munaafiqaadka iyo gaalada Naarta Jahannama iyagoo ku dhex waaraya weligood, iyadaa ku filan. Alle wuu nacladay, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah.