>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 196

9:55 55. Yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Alle wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah.

9:56 56. Waxay ku dhaartaan Alle inay idinka mid yihiin, mana idinka mid aha, waase qolo baqi.

9:57 57. Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan (qaxooti ahaan), way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya.

9:58 58. Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan.

9:59 59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa [20], iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.

9:60 60. Sadaqooyinka 'Zakada' [21] waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

9:61 61. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo [22]. Dheh: Waa khayr maqlihiinna (ee) rumeysan Alle; oo aamin ku qaba mu’miniinta; waana u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Kuwa se dhiba Rasuulka Alle waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.