Cabdullaahi Xasan Yacquub — 195
9:48 48. Waxay idinla dooneen fidmo kal hore, oo ay kuu rogeen umuuraha [17], jeer xaqu yimid oo Amarka Alle (guusha) noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka aheyn.
9:49 49. Waxaana ka mid ah mid yidhaahda: Ii fasax (inaan guriga fadhiyo) oo ha i fidmayn [18]. Waxayba ku dhaceen fidmo. Jahannama baana koobi gaalada.
9:50 50. Hadday samaani ku heleesho, waa murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday musiibo kugu dhacdona, waxay yidhaahdaan: Waxaan qaadannay digtoonidayada kal hore, waxayna sii jeestaan iyagoo faraxsan.
9:51 51. Dheh: Waxba naguma dhacayaan wuxuu Alle noo qoray maahee. Isagaa ah Gargaarahayaga. Alle oo keliya ha talo saarteen mu'miniintu.
9:52 52. Dheh: Ma waad nala sugtaan waxaan aheyn labada wanaagsan middood (guul ama geeri)? halkaan innagu idinla sugno inuu Alle idinku rido ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah. Ee suga (waxa nagu dhaca), innaguna la jirkiin waa sugeynaa (waxa idinku dhaca).
9:53 53. Dheh: Ku bixiya wax Jidka Alle idinkoo oggol ama idinkoo karahsan, marnaba la idinkama aqbalee. Waayo waxaad tihiin qolo fallaago ah.
9:54 54. Waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan aheyn inay ku gaaloobeen Alle iyo Rasuulkiisa; mana yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee [19]; waxnana ma bixiyaan iyagoo kahanaya maahee.