>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 194

9:41 41. U baxa (dagaalka) idinkoo fudud iyo idinkoo culusba [16], oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.

9:42 42. Hadday ahaan lahayd dheef dhow iyo safar fudud (munaafiqiintu) way ku raaci lahaayeen, tubtiise (duullaankii Tabuuk) baa ku dheeraatay, waxay ku dhaaran Alle (markaad laabataan idinkoo soo guuleystey, iyagoo leh): haddaanu kareyno waa idin la bixi lahayn; waxay halaagaan nafahooda, Allena wuu Og yahay inay xaqiiq yihiin beenalayaal.

9:43 43. Allaha ku cafiyee (Nabiyow)! Maxaad u siisay idanka, ilaa ay kuu caaddaato kuwa runta sheegay, oo aad ogaato beenalayaasha?

9:44 44. Kaama idan qaataan kuwa rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro, si looga dhaafo inay ku jihaadaan maalkooda iyo nafahooda. Alle wuu yaqaan oo og yahay dhowrsanayaasha.

9:45 45. Waxaase kaa idan qaata uun kuwa aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro ee uu shaki ku jira quluubtooda ee iyagu shakigooda ku jaha wareersan.

9:46 46. Hadday (munaafiqiinta) doonayaan inay (jihaad u) baxaan, way u qalab diyaarsan lahaayeen, wuxuuse Alle nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyey oo lagu yidhi: "La fadhiista fadhiidyada (guryaha)".

9:47 47. Hadday (munaafiqiinta) idinla bixi lahaayeen, idiinma kordhiyeen waxaan aheyn qas, oo waxay ku degedegi lahaayeen fasahaadintiinna iyagoo raba (inay abuuraan) fidmo dhexdiinna, waxaana idinku jira kuwo maqalka u raariciya. Alle wuu yaqaan daalimiinta.