Cabdullaahi Xasan Yacquub — 193
9:37 37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah [12]: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.
9:38 38. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaa idiinku wacan, in marka la idinku yidhaahdo: U soo baxa jihaadka Arrinka Alle aad isagu dhajisaan dhulka si culus? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan oo aad ka door biddeen Aakhirada? Ma aha raaxada noloshan adduunku marka la barbar dhigo Aakhirada waxaan ahayn wax yar [13].
9:39 39. Haddaydaan u bixin (jihaadka), Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan oo idinku beddeli qolo kale, waxbana kama dhimeysaan marnaba. Alle wax walba wuu Karaa.
9:40 40. Haddaydaan u hiillin (Nabiga), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah [14] markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle [15], waa taa sarreysa. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.