>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 192

9:32 32. Waxay rabaan inay ku damiyaan Nuurka Alle afafkooda, ha yeeshee Alle ma oggola waxaan aheyn inuu dhammeystiro Nuurkiisu, gaaladu haba necbaystaane.

9:33 33. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa hanuunka iyo Diinta Xaqa ah (Islaamka), si uu uga kor mariyo diimaha (kale) oo dhan, Mushrikiintu haba necbaystaane [8].

9:34 34. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! In badan oo ka mid ah qaysaska iyo suufidu waxay ku cunaan maalka dadka been, oo ka jeediyaan Jidka Alle (Islaamka). Oo kuwa iyagu kaydsada dahabka iyo qalinka [9] ee aan wax ku bixin Jidka Alle ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

9:35 35. Maalinta lagu soo kululeyn (dahabka iyo fiddadaa) Naarta Jahannama oo lagu kaawiyadeyn wajiyadooda, dhinacyadooda, iyo dhabarradooda (oo lagu odhan): Kani waa waxaad u kaydiseen nafahiinna ee dhadhamiya (ciqaabka) waxaad kaydsaneyseen.

9:36 36. Tirada bilaha Alle agtiis waa labo iyo toban bilood xagga Qaddarka Alle tan iyo maalintii uu abuuray samooyinka iyo arlada, waxaa ka mid ah afar (bilood oo) xurmad gaar ah leh [10]. Sidaasaa ah dowga toosan, ee ha dulminana nafahiina bilahan dhexdooda [11], oo la dagaallama gaalada Mushrikiinta ah wadajir siday idiinla dagaallamaan wadajir. Ogaada in Alle uu la jiro kuwa iska jira xumaha (oo dhowra Amarradiisa).