>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 19

2:120 120. Kaama raalli noqonayaanna Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda (iyo dhaqankooda). Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka), kaasaa ah hanuunka (Xaqa ah). Haddaad raacdona hawadooda kaddib cilmiga kuu yimid, ka heli meysid xagga Alle sokeeye iyo gargaare midna.

2:121 121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo [25], kuwaa baana rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.

2:122 122. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii).

2:123 123. Iska jirana Maalin aanay nafi abaal u galeyn naf kale, madax furashona laga aqbalayn, shafeecona aanay wax u tareyn loona gargaareyn.

2:124 124. (Xus) markuu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan kaaga dhigi Iimaam (hoggaamiye) dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid ubadkeyga. (Alle) wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

2:125 125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.

2:126 126. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. (Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise gaalooba, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun meel la ahaado.