Cabdullaahi Xasan Yacquub — 187
9:1 1. (Kani waa ogeysiis in) Alle iyo Rasuulkiisu ay barii ka yihiin [1] kuwa ka midka ah Mushrikiinta, ee aad la gasheen heshiiska (ha yeeshee ka baxay).
9:2 2. Ee (ku) mara (gaaloy) dhulka (nabad) muddo afar bilood ah (meeshaad doontaanba), ogaadase inaydaan caajis gelin kareyn Alle, iyo in Alle uu dulleyn gaalada.
9:3 3. Waa ogeysiis xagga Alle iyo Rasuulkiisa ah oo ku socda dadka maalinta Iidweynta Xajka [2] inuu Alle barii ka yahay gaalada Mushrikiinta ah, sidoo kale Rasuulkiisu. Ee haddaad idinku (mushrikiintoy) tawbad keentaan, waa sida idiin khayr roon, haddaad se jeesataan, ogaada inaydaan caajis galin kareyn Alle. Ugu bishaaree gaalada cadaab xanuun badan.
9:4 4. Waxaan ahayn kuwa mushrikiinta ka mid ah ee aad la gasheen axdiga, markaasna aan idinka nuqsaamin waxba, aanna kaalmeyn cidna lidkiin. U oofiya axdigooda intay muddadu dhammaaneyso. Hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (xumaha oo dhowra Amarradiisa).
9:5 5. Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan [3], ku dila mushrikiinta (idiinka baxay heshiiska) meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, una fadhiista suryo walba. Hadday tawbad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya waddadooda. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
9:6 6. Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta idin weydiisto magan galyo magan geliya si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka), kaddibna gaarsiiya halkuu ku nabad helayo, sidani waxaa ku wacan waa qolo aan garasho lahayn.