Cabdullaahi Xasan Yacquub — 181
8:34 34. Maxay se (cudur daar) leeyihiin si uusan Alle u cadaabin iyagoo ka hor istaaga (dadka) Masjidka Xurmadda gaarka ahi leh, umana suubbadaan inay ahaadaan ehelkiisa? Ehelkiisu ma aha waxaan aheyn kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), badankooduse ma oga.
8:35 35. Salaaddooda Beytka (Kacbada) agtiisa ma ahayn waxaan aheyn foodhi iyo sacabbo tun. Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinna darteed.
8:36 36. Hubaal kuwa gaaloobay waxay ku bixiyaan maalkooda si ay uga hor istaagaan (dadka) Jidka Alle, sidaasayna wax ugu bixin doonaan; misna waxay ku noqon qoomamo daran, misna waa laga adkaan. Gaaladana xagga Jahannama baa loo taxaabi.
8:37 37. Waa si uu Alle uga sooco kuwa xun, kuwa wanaagsan, oo kuwa xun is dul saaro qaarkoodba qaarka kale, oo isku raseeyo dhammaantood, uuna yeelo Jahannama gudaheeda. kuwaa weeye kuwa khasaaray.
8:38 38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay [10] . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).
8:39 39. La dagaallama (gaalada) jeer la waayo fidno (shirki, gaalnimo, caddibaad), oo diinta (daacadda iyo cibaadada) uu yeesho Alle Keliya.Haddayse joojiyaan (shirkiga iyo gaalnimada), Alle waa arkaa waxay falaan.
8:40 40. Hadday (ka) jeesadaanna (Iimaanka), ogaada in Alle yahay Mudanahiin, Wanaag badanaa mudanuhu, wanaag badanaana gargaarahu.