>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 180

8:26 26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle).

8:27 27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.

8:28 28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).

8:29 29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhowrtaan amarradiisa), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn.

8:30 30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay. Alle waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.

8:31 31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.

8:32 32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).

8:33 33. Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi [9].