Cabdullaahi Xasan Yacquub — 179
8:17 17. Idinku ma aydaan layn (gaalada), Alle baase laayey. Ma aadan ganayn [6] markaad ganeysay (cadowga), wuxuuse ahaa Alle Kan Ganay, waa si uu Xaggiisa uga jarribo mu’miniinta jarribaad wanaagsan; hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
8:18 18. Arrinkaa (waa fal Ilaahay) welibana Alle waa liciifiyaha dabinka gaalada.
8:19 19. Haddaad (gaaloy) dalabteen xukun lagu kala baxo, haatan xukunka waa idiin yimid, haddaad joojisaanna (colaadda), waa sida idiin khayr roon, haddaad ku noqotaanna (dagaalka) innaguna sidoo kale waan soo rogaal celin, ciidamadiinnuna waxba idiin ma tarayaan si kastaba ha u tiro badnaadaane, (ogaadana) in Alle uu la jiro mu’mimiinta.
8:20 20. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ha ka jeesannina Xaggiisa idinkoo maqlaya.
8:21 21. Ha noqonnina sida kuwii yidhi: Maqallay, iyagoon waxba maqlayn.
8:22 22. Hubaal, noole dhul ku socod ah waxaa Alle agtii ugu liita kuwa (ka) dhega la’ (xaqa), ee aan (xaq ku) hadlin ee aan waxba garanayn.
8:23 23. Hadduu Alle ku og yahay wax khayr ah, wuu msqashiin lahaa (Xaqa), hadduu maqashiiyona, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo sii siibanaya.
8:24 24. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Alle iyo Rasuul(kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya [7], ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.
8:25 25. iska jira fidmo aan ugu dhaceyn si gaar ah kuwiinna idinka mid ah ee dulmiga fala [8]; oo ogaada in Alle uu Daran yahay Ciqaabkiisu.