Cabdullaahi Xasan Yacquub — 178
8:9 9. (Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta.
8:10 10. Kama uu yeelinna Alle waxaan ahayn bishaaro, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Alle. Hubaal Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.
8:11 11. (Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.
8:12 12. Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaaloobay, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin [5].
8:13 13. Maxaa yeelay waxay khilaafeen oo caasiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu daran yahay.
8:14 14. Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada).
8:15 15. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad la kulantaan kuwa gaaloobay oo duullaan ah dagaal dooni ha u jeedininna dhabarrada.
8:16 16. Qofkii u jeediya dhabarkiisa maalinkaa inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay) wuxuu ku mudan taasi Cadho ah xagga Alle, hoygiisuna waa Jahannama, oo u xun meel la ahaado.