Cabdullaahi Xasan Yacquub — 177
8:1 1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) qaniimooyinka waxaa leh Alle iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah. Adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.
8:2 2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle 'weyneyn iyo ka heybeysi darti', marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya.
8:3 3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta).
8:4 4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay ku leeyihiin darajooyin 'sare' Rabbigood agtiisa, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.
8:5 5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah [1], inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen.
8:6 6. Waxay kaala doodayeen [2] xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
8:7 7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood [3] inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan [4], Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.
8:8 8. Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee.