>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 176

7:196 196. Xaqiiq Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan.

7:197 197. Kuwase aad baridaan (caabuddaan Alle) sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan.

7:198 198. Haddaad ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya, haddana aan waxba arkayn.

7:199 199. (Muuji cafis iyo masaamax oo) qaado waxa fudud (ee la heli karo dhib la’aan), amar wanaagga, kana jeeso jaahiliinta.

7:200 200. Hadduu fikrad xun kuu soo jeediyona shaydaan, ka magan gal Alle. Isagaa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

7:201 201. Xaqiiq kuwa ka cabsada Alle, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan.

7:202 202. Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan.

7:203 203. Haddaad (Nabiyow) ula iman weydo calaamo (mucjiso siday rabaan ah) waxay yidhaahdaan: Maxaad u keeni weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani waa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.

7:204 204. Marka la akhrinayo Qur'aanka dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto.

7:205 205. Ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc iyo cabsi leh adigoon kor ugula tanaagooneyn codka aroor iyo galabba, hana ka mid noqon kuwa dhoohan.

7:206 206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan oo dhan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan [15].