>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 174

7:179 179. Waxaan u abuurnay Jahannama in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, indho aysan wax ku arag, iyo dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwaa waa kuwa ka dhoohan (Xaqa).

7:180 180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa [13]. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.

7:181 181. Waxaa ka mid ah waxaan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa (ummadda Nabi Muxammad), kuna ooga caddaaladda

7:182 182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban) meel aanay ogeyn.

7:183 183. Waxaana siin waqti, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay.

7:184 184. Miyeyna ka fikirin inaan saaxiibkood (Nabi Muxammad) qabin wax saameyn jin ah. Wax kalena maahee waa dige cad.

7:185 185. Miyaanay fiirin boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Alle abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay rumaynayaan kani (Qur’aanka) kaddib?

7:186 186.Qofkii Alle lumiyo ma leh hanuuniye; wuxuuna ku daayaa xadgudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan.

7:187 187. Waxay ku weydiin Saacadda (Qiyaame) goormay dhici? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo soo saari waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiin sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Alle, badankooduse dadku ma oga.