Cabdullaahi Xasan Yacquub — 173
7:171 171. (Xus) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale).
7:172 172. Oo (xus) markuu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo arrinkani moogganaa.
7:173 173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore [10], waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?
7:174 174. Sidaasaan u caddeynaa Aayadaha iyo inay u soo laabtaan (Xaqa).
7:175 175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii [11] aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan.
7:176 176. Haddaan doonno kor ayaan ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo raacay hawadiisa. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana weli laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga qisee qisooyinka bal inay fakaraan.
7:177 177. Xumaa mataalka qoloda beeniya Aayadahayaga, nafahoodana dulmiya.
7:178 178. Qofkii Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkiina uu dhumiyo [12], waa kuwaa kuwa khasaaray.