Cabdullaahi Xasan Yacquub — 172
7:164 164. Markay jameeco ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Alle halligayo, ama ku cadaabi cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo inay Alle ka cabsadaan.
7:165 165. Markayse iska halmaameen waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, waxaana ku dhignay kuwii dulmiga falay cadaab daran caasintoodii awgeed.
7:166 166. Markay ku madax adeygeen wixii laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan.
7:167 167. (Xusuusta) markuu Rabbigaa ogeysiiyey inuu ku soo dirayo (Yuhuudda) ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaab xun. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.
7:168 168. Waxaana ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay u soo laabtaan (adeecidda Alle).
7:169 169. Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo denbi dhaafi. Hadduu u yimaado (mar kale) alaabo (raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaataan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Alle waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha). Ee miyeydaan wax fahmeyn?
7:170 170. Kuwase qabsada Kitaabka oo iyaga ka mid ah (kuwooda soo islaamay) oogana salaadda, Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya.