>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 171

7:160 160. Waxaana u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Waxaana u Waxyoonnay Muuse markay qolodiisii weydiisteen biyo: Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Waxaana ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (kimis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan - Samaan): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Nama ayan dulmin innagee, waxayse dulmeen nafahooda (oo u soo jiideen shar).

7:161 161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan 'Qudus' [8] oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.

7:162 162. Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee dulmiga falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi [9]. Markaasaan kaga soo dejinnay cirka cadaab dulmigoodii dartiis.

7:163 163. Weydii (Yuhuudda) magaaladii (Eila) ee ku ag tiil badda (cas, dadkeedii), markay ku xadgudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti aheynna uma timaaddo. Sidaasaan u imtixaannay caasintoodii awgii.