>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 170

7:156 156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakadana bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.

7:157 157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa [7]. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.

7:158 158. (Nabi Muxammadow) dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuulka Alle ee loo soo diray idinka oo dhan, Allahaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Alle iyo Rusuulkiisa, Nabiga aan waxna qorin, waxna akhriyin, ee rumeysan Alle iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan.

7:159 159. Waxaa ka mid ahaa qolodii Muuse qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda.